Deeq A. Posted October 17, 2019 Nairobi (SMN) – Siyaasiyiinta dalka Kenya ayaa ku tartarsiiyey madaxweynaha wadankaas, Uhuru Kenyatta in uu ciidamadooda ka saaro Soomaaliya. Boni Khalwale, oo kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan Kenya horeyna u soo noqday Xildhibaan, ayaa baaqan u jeediyay Kenyatta. Waxaa uu soo jeediyay in Ciidamada difaaca Kenya ay muddo 8 Sano ah ku jiraan gudaha Soomaaliya islamarkaana sababihii ay u galeen aan wax natiijo ah laga gaarin. Ciidamada Kenya oo Soomaaliya si sharci darro ku soo galay 2011kii ayaa laba sano kaddib qeyb ka mid ah lagu daray AMISOM halka inta kale ay wali ku jiraan gudaha dalka. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa nan hagaagsaneyn waxayna ka dambeysay markii ay Nairobi jebisay amar kasoo baxay dowladda oo ku aadan socdaalka Kismaayo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Kenyatta.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites