Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo dalacsiiyey taliye sugayey amniga doorashadiisii

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey Saadiiq Maxamuud Dhogor oo ah taliyaha ciidanka amniga garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaadarajada Gaashaanle Dhexe loogu xiray Saadiiq Dhogor oo ka mid ahaa sarakiishii sida gaarka aheyd uga shaqeysay amniga doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Khudbad uu Madaxweynaha Jubbaland ka jeediyey madasha ayuu ku sheegay in taliyuhu dalacsiintan ku muteystay dadaal badan iyo karti uu la yimid.

Sidoo kale wuxuu ka booriyey saraakiisha kale ee Jubbaland in ay labo jibaaran shaqooyinka adag ee ay u hayaan dadka reer Jubbaland.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid uu Axmed Madoobe ugu abaal gudayo dadkii ka shaqeeyey doorashadii muranka dhalisay ee dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland.

22-1.jpg 11-1.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this