Deeq A. Posted October 16, 2019 Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa K/galbeed ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaasi. Ciidamo aad u badan oo ka baxay degmada Xudur iyo kuwo kale oo ku sugnaa duleedka degmadaasi ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanno hor leh oo hoostaga degmadaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka K/galbeed ayaa inoo xaqiijiyey in ulajeedkoodu tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada hoostaga Xudur. Howlgalkan ayaa daba socda dagaal culus oo habeen hore dhex-maray ciidankan howlgalka wada iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay xero ay ciidanka DFS iyo kuwa K/galbeed ku lahaayeen duleedka degmada Xudur. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites