Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada HirShabelle oo looga yeeray Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle, Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada maamulkaasi inay dib ugu soo  laabtaan magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka HirShabelle kadib markii uu dhamaaday fasaxii ay ku jireen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono kulanka Baarlamaanka HirShabelle, isagoona sheegay in dib loo amba qaadayo howlaha Baarlamaanka maamulka HirShabelle.

Baarlamaanka HirShabelle  oo lagu waday inuu furmo bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dib u dhacyo  xoog leh kala kulmay xildhibaanada oo ka maqan Caasimadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa fariin uu u direy xildhibaanada ugu sheegay inaysan qaadan doonin gunadooda haddii aysan soo gelin magaalada Jowhar.

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle ayaa waxaa uu shacabka Jowhar ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga si loo sugo Amniga degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this