Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay qaabkii uu u dhintay askarigii Mareykanka ee lagu dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Qaliin dhib badan oo cakiran ayaa ugu dambeyn horseeday geerida askari Mareykan ah oo sanadii tagtay lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Soomaaliya, sida ku cad natiijada baaritaan oo heshay jariidadda New York Times.

Alex Conrad, oo 26 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac gaaray 8-dii June 2018, isaga oo ku sugan xero ku taalla meel u dhow magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Conrad ayaa waxaa ku dhacay firirka hoobiye, kaasi oo qalay wejigiisa, qoortiisa, calooshiisa iyo lugihiisa, taasi oo hoggaamisay dadaal socda hal sac qaatay oo lagu bad-baadin lahaa noloshiisa. Saddex askari oo kale oo Mareykan ah iyo askari Soomaali ah, ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Markii weerarka uu dhacay 2:45 galabnimo, Conrad ayaa waxaa durba u kala cararay kooxodii Mareykanka, wuxuuna ka cabanayey xanuun ka hayey lugta, sida baaritaanka lagu sheegay. Daankiisa ayaa waxaa kasoo burqanayey dhiig neefta ku celiyey, taasi oo horseeday qaliin deg deg ah oo tubo looga geliyey qoorta, si uu hawo toos ah uga qaato sambabka.

15 daqiiqo kadib ayaa loola cararay meel amni ah, oo isaga iyo askartii kale ee dhaawacmay ay ka qaadeen laba diyaarad oo ah helicopter noocoodu yahay HH-60 Pave Hawk.

Diyaaradaha ayaa dhaawaca ula soo cararay garoonka diyaardaaha Kismaayo, halkaasi oo la keenay 3:15 galabnimo, balse 15 daqiiqo kadib uu ku geeriyodoay saacadda markay ahayd 3:30 pm.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in inkasta “oo qalliinada ay fuliyeen shaqaale caafimaad oo aqoon u leh, islamarkaana laba mar ay sameeyeen isku day lagu bad-baadinayo”, haddana Alex Conrad uu u geeriyooday qalad dhacay oo ku saabsan qaabkii loo siiyey tubada hawada siin lahayd.

Si kastaba baaritaanka ayaa go’aamiyey in “shaqsi, koox ama urur gaar ah, uusan sameyn dayacaad” intii lagu guda jiray qalliinka, balse xaaladda lagu jiray oo adkeyd darteed uu qaladka ku dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this