Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sababta ay Farmaajo iyo Kheyre uga baaqdeen xuska 14 October

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka baaqday Xuska 14 October oo lagu qabtay Isgoyskii uu ka dhacay xasuuqa ee Zoobe.

Xuska oo ahaa mid aad loo diyaariyey lana filayey inay kasoo qeybgalaan Madaxweynaha ama Ra’isul wasaaraha midkood ayaa mar qura waxaa la arkay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo kaligiis joogo Xafladda isla markaasna farriin ka wado Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay sababta keentay inay labadaan Mas’uul kasoo qeybgeli waayaan Xafladda ay tahay cabsi weyn oo dhanka Amniga ah taasoo keentay inay madaxda ka baaqdaan Xafladda sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan Saraakiisha Amniga.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uu galay walaac ah in laga yaabo in Al-Shabaab ay munaasabadda la beegsato qaraxyo.

Arrintaan ayaa muujineyso halista ay weli Al-Shabaab leeyihiin kadib labad sano qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya.

Hase ahaatee taalada laga taagay bartamaha Isgoyska ayaa lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid olole siyaasadeed.

Dadweynaha Soomaaliya ayaa sawirradaas uga jawaabay “adinka kaligiin ma biixn dhiigga.’

Dowladda Soomaaliya oo qaraxaas kadib ballan qaaday inay Al-Shabaab la dagaalami doonto ayaan weli sameyn tallaabo adag oo laga qaaday Al-Shabaab waxayna in laba sano kadib ay tagi waayaan goobtii qaraxa ay astaan u tahay sida madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre uga gaabiyeen amniga.

Sidoo kale waxaa jiro ballan qaadyo ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha u sameeyeen dadkii dhibaatada kasoo gaartay Qaraxii Soobe kuwaas oo aan weli loo fulin taasina ay qeyb ka tahay baaqashada madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this