Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska 14-ka October oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 14-ka October oo ah maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyo boqolaal shacab ah ayaa ka qeyb munaasabaddaasi.

Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo dadweynaha kula hadlay isgoyska 14-October ayaa sheegay in maalintan ay thaya mid aan la’iloobi Karin, islamarkaana aan ka go’eyn quluubta Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxii 14-kii October ee sanadkii 2017-kii dhacay uu argagax weyn ku reebay guud ahaan shacabka Soomaliyeed.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimada, horumarka iyo ammaanka Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this