Jacaylbaro Posted September 29, 2008 Waraabe gadooday oo Meherad ganacsi la wareegay Waraabe cadhaysan ayaa shalay la wareegay Dukaan ganacsi oo ku yaala magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya. Sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga Booliska ee Wajaale Axmed Cabdi Daahir oo xalay Ogaal la soo xidhiidhay, Dhurwaagani waxa uu meheradaa ganacsi qabsaday abaaro 9:00 subaxnimo ee shalay. Waxaanu intaa ku daray inay Boolis ahaan dusha ka ilaalinayaan,subaxnimada Axadda maanta ay doonayaan inay talaabo ka qaadaan. "Dushaanu ka ilaalinaynaa Dukaanka Waraabaha oo keliya ayaana ku jira oo Sonkorta Miisaya," ayuu yidhi Taliyuhu isaga oo kaftamaya. Sidoo kale Maxamed Goodaad oo ah mulkiilaha meheradaa uu Waraabuhu galay oo xalay Ogaal wax ka waydiiyay arrinta ayaa sheegay in Dhurwaaga oo ay eryanayeen dadweyne badan oo reer Wajaale ahi uu dukaanka nafta kula soo eertay, isla markaana aanu wax khasaare ah u geysan. "Walaal arrintu waxay u dhacday, Waraabuhu wuxuu ahaa mid ay muddo dadweynaha reer Wajaale magaalada dhinaceeda bari kasoo eryanayeen meheradana waxa uu usoo galay nabadgelyo ahaan. Meherada markaa waxa joogay wiil aanu walalo nahay, dabadeedna wuxuu is yidhi bal eeg waxa lagu qaylinayo, kadibna markii uu wiilku meherada ka baxay ayay Waraabaha albaabka ku kulmeen," ayuu yidhi mulkiilaha Dukaanka Waraabuhu galay, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; "Markiiba wuxuu si degdeg ah u galay Meherada, waananu kusoo qufulnay (xidhnay)sidiina wuu ugu jiraa. Markaa waxaanu doonaynaa in aanu caawa xilliyada dambe ka sii dayno meesha." Mar aanu sii waydiinay in Waraabuhu wax khasaare ah gaadhsiiyay Meherada iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; "Wax khasaare ah u muu geysan meherada, waxaanu iska fadhiyaa dhinaca dambe ee Dukaanka." Mr Goodaad waxa uu sheegay in sababta ay Waraabaha ugu xidheen Meheradu ay la xidhiidho si uu uga nabadgalo dadweynaha markaa hore eryanayeen. Waxaanu tilmaamay inay dhacdadii ugu horeysay nooceeda ee soo marta dadweynaha reer Togwajaale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 29, 2008 Daayeero Dhintay Iyo Rag Dhaawacmay Markii Dagaal Dhex-maray Reer Caynaba Iyo Raxan Daayeero Ah Ilaa 9, Daayeer ayaa dhintay, ilaa 6 nin-na waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu 27-kii bishan magaalada Caynaba dagaal ku dhexmaray raxan Daayeero ah iyo koox niman ah oo reer Caynaba ah, wuxuuna dagaalkaasi ka dambeeyey markii ay raxan daayeerro ahi soo weerareen qoys reer Caynaba ah, halkaas ay khatar ku geliyeen caruurtii iyo dumarkii, isla markaana ay qabsadeen gurigii uu qoysku deganaa, debeddana uga saareen dadkii, taasina waxay keentay raggu u soo gurmadaan qoyskaa, halkaasna uu dagaal ku dhexmaro raggii iyo Daayeeradii. Sida uu ku soo waramay Xadiis Maxamed Xadiis oo hadda booqasho ku jooga degmada Caynaba Daayeerada iyo ragga reer Caynaba waxa maalintaa dhexmaray dagaal culus, wuxuun dagaalkaasi sababay in daayeeradii oo ay tiradoodu ahayd ilaa 19 daayeer laga dilo ilaa 9 xabbo, isla markaana ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen ilaa 6 nin oo ka mid ah raggii dagaalku dhexmaray daayeerada, kuwaas oo ay ilaa hadda qaar ka mid ahi u jiifaan dhaawacyadii ay daayeeradu soo gaadhsiiyeen, waxaana raggaa inta badan dhaawacu ka soo gaadhay madaxa, lugaha iyo gacmaha. Ragga dhaawaca ah ee ay daayeeradaasi dhaawacyada soo gaadhsiiyeen ilaa hadana u jiifa waxa ka mid ah Daroor Ducaale Xidig iyo Xasan Caabbi Kadiir. Cumar Xirsi oo ah ninka qoyskiisa ay daayeeradu soo weerareen ayaa weriye Xadiis uga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay Cumar inay daayeeradaasi khatar weyn geliyeen qoyskiisa, ka dibna uu qaylo-dhaan soo dirsaday, halkaasna ay rag badani u soo gurmadeen, taasina ay keentay inuu dagaal dhexmaro daayeeradii soo weeraray iyo raggii. Laakiin waxa la sheegay inay daayeeradaasi weerarka soo qaadeen markii ay aad u harraadeen, iyadoo ay degaamadaa abaarta iyo biyo la'aantu aad u saamaysay, waxaana la sheegay inuu qoyska ay daayeeradu soo weerareen dul-deganaa Laas yar oo biyaha laga cabbo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted September 29, 2008 ^^What??? Men vs Monkeys? Am i reading this right? :confused: Please summerise JB Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 29, 2008 Are you reading only the Caynabo one ?? ,, which one of the two stories you want to be summirized niyow ,,, seems it is a tough job ,, loool Quote Share this post Link to post Share on other sites