Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamo kasoo wada jeeda hal beel oo Muqdisho loogu ururinayo gobol kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in kala saarid iyo faaf reeb lagu sameeyay ciidamo gaaraya ilaa 400 oo Askari, kuwaas oo ah daraawiish loo rabo gobalka Shabeellada Hoose si ay amniga degmooyinka kala wareegaan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

Ciidankaan oo aan wali ka bixin xero tababar ah oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa laga soocay inta beelo gaar ah, waxaana lagu koobay oo kaliya hal iyo dhowr Askari oo laga soo qaatay beelo kale oo gobalka daga.

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo wakiil ka ah guddoomiyaha Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Najax, ayaa la sheegay in ciidankaan uu ka reebay dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan waxa uuna ku tirada ugu badan ka dhigay Biyamaal iyo qaar aan badneen oo loo qaybiyay beelaha kale ee gobalka. Najax ayaa kasoo jeeda beesha Garre balse xulufo la ah beelaha Biyamaal.

Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha ciidamada iyo siyaasiinta Shabeellada Hoose ayaa ka digay in ciidan la soo soocday ama dad gaar ah laga dhigay aan lagu aaminin amniga gobalkaas oo ka soo kabanaya dagaalo Sokeeye balse wajahaya qatarta Al-Shabaab.

“Waxa ka socda Shabeellada Hoose waa arrin aan indhaha laga dadan karin hadii ay sii socotana waxaa laga dhaxli doonaa waayihii xumaa ee la soo maray oo kale” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobalkha Shabeellada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this