Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-xasaasiya:Kacdoon beeleed ka dhan ah maamulka Siciid Deni oo ka qarxay Gudaha Puntland+Khalkhal Siyaasadeed soo wajahay Maamulkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog-xasaasiya:Kacdoon beeleed ka dhan ah maamulka Siciid Deni oo ka qarxay Gudaha Puntland+Khalkhal Siyaasadeed soo wajahay Maamulkiisa

 deni.jpg

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland.

Warbaahinta ayaa ogaatay in kulamo aan loo kala kicin muddo todobaad ah, islamarkaana ku soo dhamaaday natiijo la’aan ay ka dhaceen magaalada Boosaaso xarunta ganacsi ee Puntland, waxaana kulamadaas qayb ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Saddex kamid ah beelaha ugu awoodda badan gobalka Bari ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan in ay joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Puntland,  islamarkaana ay ku dhawaaqaan shir-wayne deg deg ah oo looga tashanayo aayaha gobalka Bari.

Beelahaan oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari.

Siyaasiinta beelahaan ayaa la kulmay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaasi islamarkaana ku jira dowladda Puntland, waxayna isku fahmi waayeen dhaqan gelinta rabitaanka beelahaan waana sababta keentay in Deni uu yimaado Boosaaso iyadoo kulamadii Madaxweyne Deni lala qaatay ay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan waana sababta keentay Khalkhal Puntland.

Odayaasha iyo dadka degaanka ee Boosaaso ayaa ka cabanaya in ilihii dhaqaalaha gobalka loo gacan geliyay ajaaniib islamarkaana shaqo joojin lagu sameeyay kumamaan dhalinyaro ah iyo odayaal ka shaqaysan jiray Dekadda, Airport-ka iyo Maxjarka. Sidoo kalane ay jiraan tabashooyin kale oo ay ka qabaan dhismaha Dekadda Garacad ee Gobalka Mudug oo ay u arkaan in ay tahay mid lagu dhabar Jebinayo ganacsiga Dekadda Boosaaso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this