Deeq A. Posted October 9, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay maanta ciidamada Jubbaland ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Hwolgallada oo laga fuliyey aagga Beerxaani ayaa waxa ay saraakiisha Jubbaland sheegeen inay ku dileen illaa shan ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in howlgalladu ay sii soconayaan, kuna gaari doonaan deegaanada ka maqan maamulkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites