Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka jawaabtay dacwaddii ay ka gudbisay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada  ICAO ee hoostaga Qaramada Midoobay.

Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyskaa Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka  Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana difaacato hawadeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax looga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya.

Arrintan ayaa soo xoojisay xiisada labada dal oo markii hore isku hayey arrimaha badda oo ahaatan dacwadeedu ay ku furan tahay Maxkamadda Cadaalada ee ICJ.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this