Sign in to follow this  
Kamaavi

Gacan ku dhiiglihii labaad oo isu soo dhiibay booliska Minneapolis

Recommended Posts

Kamaavi   

Duqa magaalada Minneapolis T.T.Rybak iyo madaxa Booliska Tim Dolan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Minneapolis ayaa shaaciyey in wiil 17 jir ah oo Somali ah uu isu soo dhiibay Booliska magaalada Mineapolis kaasoo sida laga arkay kaameradii dukaanka ka mid ahaa labadii nin ee dilka geysatay.

 

Boolisku faah faahin intaa ka badan kama uusan bixinin wiilka labaad ee la qabtay balse waxay sheegeen in laba nin ay ahaayeen raggi geystay dilka sedexdii wiil iyagiina la hayo oo wixii hada ka dambeeya maxkamad la soo taagi doono.

 

Dhanka kale qaar ka mid ah soomaalida ku nool Minneapolis ayaa eedayn u soo jeediyey duqa magaalada iyagoo ku eedeeyey inuu iska dhaga tiray talooyin badan oo ay u soo jeediyeen oo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ay geysanayaan dadka dhalin yarada ah(youth crime).Waxayna sheegeen in duqa magaaladu uu masuul ka yahay dhibka dhacay sidaa darteedna ay mudan tahay in arinta dhacday su'aalo laga weydiiyo.

 

Duqa magaalada ayaa dhankiisa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyey isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin wada shaqayn fiicana uu la leeyahay dadka soomaaliyeed isagoo dhanka kale eedaymaha loo soo jeediyey ku tilmaamay kuwo shakhsiyadeed oo aysan soomaalidu u dhanayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this