Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi Guurtidu U Saartay Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Dugsiga Gaarka Ah Oo War Soo Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddi uu dhawaan Golaha Guurtida Somaliland u saaray inuu Xal ka gaadho Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay, ayaa saaka War-bixin siiyey Gole-weynaha Guurtida.

71768956_2652966604934296_86875931159948

Xildhibaannada Guddiga ah oo muddo toddobaad ah ku mashquulsanaa sidii ay xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in Xeer Nidaamiyaha cusub ee wasaaaradda waxbarashadu uu Dastuurka baal-marsan yahay.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Xeer nidaamiyaha cusub u cuskatay inaan Deeqaha Waxbarashada ee Itoobiya siisay Somaliland aan lagu darin Ardayda ka soo baxday Dugsiga gaarka ah.

Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiga gaarka ah ayaa bilaabmay markii dugsiyada gaarka ah laga reebay 400 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya, kuwaasi oo lagu koobay Ardayda Dugsiga Dawladda Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay Sharci-darro ah qorshe ay Wasaaradda Waxbarashadu ku doonayso in Dugsiga gaarka ahi ay sannad kasta Wasaaradda iska soo diwaangeliyaan, qorshahaasi oo ay diidan yihiin Dugsiyada gaarka ah.

Guddiga War-bixinta siisay Guurtida ayaa Guddoomiyaha Golahaasi uu arrintan u saaray, ka dib markii Maamuleyaasha Dugsiyada gaarka ahi ay cabasho ula tageen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this