Sign in to follow this  
Deeq A.

Germany oo ku dhawaaqday inay $73 million siinayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Germany ayaa maanta ku dhawaaqday inay bixinayao $73 million oo ah caawinaad dhaqaale oo loogu talo galay Soomaaliy.

Safiirka Gernany ee Soomaaliya Ambassador Annett Gunther, ayaa taageeradaan dhaqaale uga dhawaaqay magaaalada Muqdisho xilli uu Germany u dabaal dagayay xuska maalinta midnimada Dalkooda oo lagu qabtay Muqdisho.

Ambassador Annett Gunther ayaa sheegay dalkiisu inuu kordhinayo taageerada ku saabsan horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay sii xoojindoonaan xiriirka labada dal.

Dhaqaalahaan ayuu Jarmalku sheegay in wax looga qabandoono horumarinta iyo tababarada xirfdaha gacanta, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, horumarinta reer Miyiga, Beeraha iyo maamulka Biyaha.

Dowladda Germany ayaa bogaadisay horumarka Soomaaliya ka socda.

Dowladda federalka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay helaysay balanqaadyo boqolaal milyan oo dollar oo caalamku ku taageerayo dadaalada lagu gaarayo hiigsiga 2021, oo ah in dalka ay ka dhacdo doorashooyin dadweyne.

Puntland Post

The post Germany oo ku dhawaaqday inay $73 million siinayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this