Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo saaka toogasho ka geystay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saaka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka askariga oo ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ilo deegaanka ah aya Caasimada Online u sheegay in xilliga la dilay Marxuumka uu ka soo baxayey gurigiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo.

Wararka ayaa sheegaya in askariga la toogtay uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka, iyadoona kooxdii dishay ay si aayar ah goobta uga baxsatay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib ay goobta tageen ciidamada Booliska, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, mana jirto cid sheegtay masuuliyadda dilkan, balse Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka ah Askarta.

Toogashadan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ay xoojisay howlgallada ka socda xaafadaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this