Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal iyo dhiggiisa Jabuuti oo ku wajahan Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo dhigiisa dalka Jabuuti ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in la sugayo kaliya guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad oo saacadaha soo socda soo gaari doono magaalada Muqdisho.

Ujeedka wafdigan ayaa lagu sheegay inay ka qeyb gali doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Koonfur Galbeed,kaas oo furmaya beri oo Talaado ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this