Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaraaha Aadan Cadde si diiran ugu  soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Dhanka kale Guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cali Xumad ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay si wadajir ah uga qayb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed oo todobaadkan furmaya,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Jabuuti barlaman-jab barlaman-jab-1 barlaman-jab2

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this