Deeq A. Posted October 6, 2019 Wararka naga soo gaaraya Talyaaniga ayaa sheegaya in muran uu ka taagan yahay dhul ay dowladda federaalka ku leedahay magaalada Rome ee dalkaasi. Shukri Siciid oo ah Wariye Soomaaliyeed oo ku nool Talyaaniga ayaa sheegtay in muwaadiniin is abaabulay ay ku guuleysteen inay soo celiyaan qeyb ka mid ah dhismaha safaaradda Somalia ee dalkaasi, Qunsuliyadda iyo gooba kale oo muhiim ah. Wariye Shukri ayaase sheegtay in weli uu maqan yahay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay tilmaamtay inay heystaan shaqsiyaad gaar ah. Sidoo kale waxa ay ugu baaqday dowladda federaalka inay soo farageliso arrintaasi, islamarkaana ay qaadato kaalinta kaga aadan dib u soo celinta dhulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Wareyiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/wareysi-shukri-Talyaaniga.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites