Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog gaar ah: Sooyaalka iyo xogta Ciise Tarabuun iyo sida ay DF ugu xadgudubtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasaimada Online, ayaa soo gaba-gabeysay baaritaan dheer oo ay waday tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Booliiska Kenya ka digeyn qatarta Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi “Ciise Tarabuun”, baaritaankaas oo ku saabsan xogta Ciise Tarabuun.

Mudadii aan baaritaankaan wadnay waxaan la kulanay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya, Xubno ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiil ka tirsan Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah waalidiinta Ciise Tarabuun.

Dadkii aan la kulanay ayaa xogta ay nala wadaageen waxay muujineysaa in Ciise Tarabuun uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay qalad weyn ka gashay Dowladda Soomaaliya, waxaana idinla wadaagi doonaa xogta aan soo aruurinay.

Markii ugu horreysay waxaan la hadalnay xubno kamid ah qoyska Ciise Tarabuun oo qaarkood ay ku nool yihiin dalka dibadiisa waxayna noo sheegeen sheekadaan.

“Ciise muddo laga joogo ku dhowaad 10 sano ka hor ayuu mar kamid ah noqday Xisbul Islaam, waxa uuna ka tirsanaa muddo 5 bil ah kadibna waxaa bur buray ururkii Xisbul Islaam markaas kadib waxa uu noqday ganacsade ka xamaasha Suuqa Bakaaraha, marna kuma biirin Al-Shabaab iyo urur kale oo dagaalama, 2 jeer ayaa la xiray xiligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana intaasba lagu waayay wax dambi ah” ayuu yiri qof ka tirsan qoyska Ciise Tarabuun.

“Markaan waxay markii 3-aad oo la xiro, waxaana markii loo geeyay Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida ay cadeeyeen in uusan wax dambi ah gelin, markii la waayay cadeyn ku aadan eedeyntii loo jeediyay, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya dalbadeen in lagu xukumo Xukun ah “Xabsi ku heyn” oo muddo 2 sano ah” ayuu yiri qofkii aan la hadalnay.

Sidoo kale Caasimada Online, waxay la kulantay saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalaba sida, waxayna noo sheegeen sidaan.

“Annaga waxaan dowladda u cadeynay in aysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in Ciise uu yahay dambiile Shabaab ah, muddo 3 jeer ah noola keenay sidaas darteedna la sii daayo, laakiin waxaa nagula amray in aan ku xukuno muddo 2 sano oo xabsi ku heyn, markii uu dhameestay waxaan amarnay in Arbaco kasta yimaado Maxkamdda si loo hubiyo muddo sanad ku dhow ayuu arbaca kasta imaanayay waana ku weynay wixii lagu eedeyay” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

“Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee aan aragnay waxay aheyd, markii aan dalbanay cadeynta eedeymaha Ciise Tarabuun waxaa noola keenay hadalka Wasiirka amniga ee ahaa (waxaan soo qabanay madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee bixin jiray amarka ugu dambeeyay ee dilalka), taasna cadeyn ma noqoto” ayuu yiri qofka aan la hadalnay.

Waxyaabaha kale oo ay ogaatay Caasimada Online, waxaa kamid ah in Ciise Tarabuun ka hor inta uusan dalka ka bixin ay waalidkiisa dowladda Soomaaliya ku wargeliyeen waxayna warqado ka qaateen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Taliska NISA iyo Booliiska Soomaaliya waxayna cadeeyeen in uu yahay muwaadin aan dambi gelin oo dalka ka bixi kara.

“Ka hor inta aanan wadin waxaa ku wargelinay dowladda waxaana ka qaadanay ogolaansho waxaana u sheegnay in wiilkayna uu marar badan qatar galay sidaas darteed aan u wadayno Koonfur Afrika” ayuu yiri qof ka tirsan waalidka Ciise Tarabuun.

Ugu dambeyntii baaritaankii aan samaynay ayaa waxaa ku ogaanay in Ciise Tarabuun ka hor inta uusan ka bixin garoonka diyaaradaha ay sawiro ka qaadeen hay’adaha amniga garoonka kadibna ay u dareen sirdoonka Kenya waana sababta keentay in Booliiska Kenya ay ka digaan.

Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi “Ciise Tarabuun” uu hadda yahay baxsad ka dhuumanaya Booliiska Kenya waxaana arirntaasi sabab u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo war aan la hubin kaga dhawaaqay warbaahinta kaas oo dhaawacay mustqabalka iyo guud ahaan nolasha muwdaankaan sida ay qabaan dadka yaqaana arimaha amaanka.

Ciise Tarabuun, waa ku noolaan waayay dalkiisa sidoo kalane hadda waxa uu halis ugu jiraa Ciidamada dal kale isagoo sababsaday hadalkii Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this