Sign in to follow this  
Deeq A.

Gu’jir : Duqu in uu idiin shaqeeyo in uu umada u shaqeeya ka fiicane ku gacan-siiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo hadal ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 27-aad ee golaha degaanka Garoowe, ayaa sheegay in duqa caasimadda Garoowe loo doortay in uu bulshada u adeego, balse aan loo dooran in uu dano-gaar ah u fuliyo xildhibaannada golaha degaanka.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha golaha degaanka uga digay, in aysan duqa degmada kula dagaallamin, haddii ay danahooda gaarka ah ka waayaan, maadaama aan loo dooran in uu shakhsiyaad u shaqeeyo ee loo igmaday shaqa-umadeed, waxaana uu codsaday in duqa lagu gacan-siiyo hawlaha horyaalla.

Golaha degaanka waxaan leeyahay , wada shaqeeya ee ha kala shaqeynina, qodobka labaad ee kalana waxaan leeyahay duqu waa shaqeynayaa, in uu idiin shaqeeyo iyo in uu umadda u shaqeeyo, waxay ku fiicantahay in uu umadda u shaqeeyo ee ku gacan-siiya” ayuu yiri Gu’jir.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay, xilli la hadal-hayo in khilaaf ka dhex jiro duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse iyo xubno ka tirsan golaha degaanka.

Hoos ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Gu’jir : Duqu in uu idiin shaqeeyo in uu umada u shaqeeya ka fiicane ku gacan-siiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this