Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Farmaajo walaalkiis oo iibsaday mid ka mid ah idaacadaha Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabdullaahi Farmaajo oo loo yaqaan Xasan Nuur, lana dhashay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iibsaday idaacadda SKY FM ee magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Xasan Nuur ayaa markii uu iibsaday idaacadda SKY FM ka beddelay magacii, wuxuuna u bixiyey Sareeye FM, ayada oo sidoo kalena is-beddel lagu sameeyey hab howleedkii iyo siyaasaddii idaacadda. 

Idaacadan cusub ee lagu magacaabo Sareeye FM ayaa weli ku soo gasha mowjadda 87.5 FM oo ah isla mowjadii ay ku soo geli jirtay Idaacaddii SKY FM, oo horay bahwadaag ula aheyd Idaacadda Shabelle. 

Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in ujeedka idaacaddan ay tahay ololaha doorashada 2020/21 ee madaxweyne Farmaajo. 

Iibsashada idaacaddan ayaa muujineysa is-beddel dhanka xeeladda warbaahinta ah oo ay qaadeen kooxda madaxweynaha. Kooxda madaxweynaha ayaa markii hore lacag ku bixin jiray oo laaluushi jiray idaacadaha iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada si ay u amaanaan madaxweynaha, una aflagaadeeyaan, waxaana hadda muuqata in diiradda la saarayo warbaahin ay ayaga leeyihiin, sida ay doonaanna u adeegsan karaan.

Dhinaca kale, Xasan Nuur ayaa dowaan kireeyey laba guri oo mid uu ku ag yaalla hotel Jazeera halka midka kalena uu yahay gurigii horey looga wada jiray ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo.

Guryahan ayaa waxaa laga shaqo geliyey dhallinyaro qaarkood dibedda ka yimid oo maamula tobaneeyo facebook islamarkaana sameeya muuqaallo iyo qoraallo siyaasadeed oo lagu beegsanayo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Shaqsiyaadkan ka howl-gala labadaas guri ayaa maalmihii dhowaa aad uga waday baraha bulshada ku qeybinayey qoraallo aflagaado iyo weeraro siyaasadeed oo ka dhan ah Xasan iyo Shariif iyo beesha ay ka dhasheen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this