Sign in to follow this  
Deeq A.

Malaga yaabaa inuu Axmed Madoobe is casilo muxuuse ku dambeyn doonaa mustaqbalka Jubbaland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khalkhal galinaya dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa waddankan ku yaalla bariga Afrika.

Muranka u dhaxeeya labada dhinaca oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda inuu sii qota dheeraaday, wixii ka dambeeyay markii ay bishii August magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho dood badan dhalisay.

Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa dib loogu doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, tallaabadaas ayaana kasii careysiisay mas’uuliyiinta dowladda dhexe, oo doonayay inay la socdaan habsami u socodka hannaanka doorashadaas.

Dib u doorashada Axmed waxaa gaashaanka u daruurtay wasaaradda arrimaha gudaha ee heerka federaalka, waxaana sidoo kale ka biyo diiday labo hoggaamiye siyaasadeed oo gobolkaas kasoo jeeda, kuwaasoo iskood ugu dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin Jubbaland.

Khilaafkan ayaa dhinaca kale wiiqay xiriirkii dowladaha Kenya iyo Itoobiya, gaar ahaan wadashaqeyntooda dhinaca milatariga ee qeybta ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya(AMISOM)

Axmed Madoobe wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay “inuu wadahadal la galo dadka oo dhan, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ah” balse wali arrintaas ka aysan jawaabin dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee gobolka toona.

Hase ahaatee Axmed Madoobe qorshaha uguma jirto inuu xilka iska casilo, in la afgambiyana ma sahlanaaneyso.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda isku dayeysa inay ka faa’iideysato khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaarkood, sida ay muujisay xog aruurin ay sameysay waaxda warqabadka ee BBC-da.

Waxaa kale oo ay xogtu qeexeysaa in dadka uu ku jiro xanaaqa dhinaca qabiilka ay ku biiri karaan Al-Shabaab.

Khilaafka Jubbaland ayey suurtagal tahay inuu sidoo kale sii xoojiyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo salka ku heysa muranka xadka badda ee ay labada dal isku hayaan.

Goor horeba waxaa soo baxay in khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee sii weynaanaya uu wiiqay dagaalkii lagula jiray ururka Al-Shabaab.

29-kii bishii September, Kenya waxay Soomaaliya ku eedeysay iney oggolaatay in “sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Al-Shabaab” uu soo raaco diyaarad ku wajahneyd magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this