Deeq A. Posted October 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in aysan caqabad ku noqon dowladnimada. Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ku tartarsiiyey xubnahan xilalka horey uga soo qabtay waddanka in ay fursad siiyaan madaxda. Taariikhda ayuu hoosta ka xariiqay in ay xusi doonto cid walba oo dalka wax ku tarta iyo shaqsiga ka shaqeynaya haatan dibin-daabadda iyo dib u dhac ku yimaada qaranka. Hadalka mudanahan ayaa kusoo aadaya iyadda oo mudooyinkii dambe ay soo if-baxayeen siyaasiyiin dhaliilo u jeedinayey dowladda kuwaasi oo xilal muhiim ah soo qabtay. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/XA.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites