Sign in to follow this  
Deeq A.

“AFRICOM dad shacab ah ayey ku laayeen Somalia cid looga dacwoodana ma lahan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baaritaan ay sameysay hay’adda Amnestay International ayaa lagu ogaaday in bishii Maarso ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha Mareykanku dileen saddex ruux oo ay u beegsadeen in ay ka mid yihiin Xarakada Al-Shabaab balse xaqiiqdu waxay aheyd dadkaas ay ahaayeen shacab beeraley ah oo aanan la heynin wax caddeyn ah oo muujinaya xiriir kala dhexeeyay Xarakada Al-Shabaab.

Nasiib xumo hay’adu waxay ogaatay in inkastoo militariga Mareykanka qiimeyn uu goor dambe helay oo khalad ahayd lagu sheegay in mid ka mid ah ragga la dilay uu ahaa dagaalyahan hadana wey ku guuldareystay in ay la xiriirto ehelladiisa si ay u helaan xog dheeraad ah, waxaana xusid mudan in dhammaan saddexda nin ee lagu dilay duqeyntaas ay ka tageen 19 carruur ah.

“waa arrin aad u fool xun in uusan taliska Mareykanka ee Africa kala garaneyn cidda ay ku dilayaan duqeymahooda iyo dadka waxyeelada ugu daran ka soo gaarayso dagaalka qarsoodiga ah ee ay kaga jiraan Soomaaliya, waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in aysan jirin cid looga dacwooda iyo meel lagala soo xiriiro” sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Xasan oo ah baare ka tirsan hay’adda Amnesty International.

Weerarka ugu foosha xun ee warbixinta lagu faaqiday ayaa ah duqeyn 18-kii bishii May ee sanadkan ka dhacday tuulada Caddoow Dibile oo qiyaastii 5km u jirta degmada Afgooy taas oo lagu beegsaday gaari Toyota Saaruf ah oo ay wateen saddex nin oo beeralay ah oo ka soo laabtay beeraha kuna sii jeeday guryahooda oo ku kala yaalla Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariweyne.

Duqeyntaas waxaa durbaba ku dhintay C/Qaadir Nuur Ibraahim oo ahaa darawalkii gaariga oo 46 sano jir ah iyo qof kale oo la socday oo lagu magacaabo Ibraahim Muxamad Xiireey oo 30 sano jir ah.

Qof saaxiib dhow la ahaa C/Qaadir Nuur Ibraahim ayaa maalintii xigtay booqday goobta ay duqeyntu ka dhacday, kaas oo xilli uu u waramayay Amnesty International yiri: “jirka C/qaadir gabi ahaanba wuu gogo’ay balse waxaan aqoonsaday wejigiisa oo gubtay, waxaan sidoo kale aqoonsaday saacaddiisa oo ka soo laalaaday dhinaca hore ee gaariga”.

Haweeney kale oo iyaduna booqatay goobta ayaa Amnesty u sheegtay in C/qaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiireey ay labudba si ba’an u gubteen lana aqoonsan waayey ka dib markii jirkoodu uu cad-cad u go’ay.

Qofka saddexaad ee saarnaa gaarigan wuxuu ahaa nin ay isku aabo yihiin darawalkii gaariga C/qaadir Nuur kaas oo la yiraahdo Mahad Nuur Ibraahim, kaas oo isna si daran u gubtay ugu dambeyntiina saddex todobaad ka dib ayuu ku dhintay gudaha Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Warqado caafimaad oo ay heshay Amnesty International ayaa tibaaxayay in uu wadnuhu itaagay sidaasna u dhintay kadib markii ay isku darsameen dhiiggiisa iyo hilbihiisa, uuna 50% gubtay jirkiisa. Ma jirin wax cadeymo ah oo ay AFRICOM la wadaagtay ninkan ama wax xiriir ah oo ay la soo sameysay ka hor inta uusan dhiman.

Waxaana xusid mudan in War Saxaafadeed uu soo saaray taliska Military-ga Mareykanka ee AFRICOM 19-kii maarso, maalin uun kadib duqeynta lagu sheegay inay dhibanayaasha lagu xasuuqay duqeyntaas ay ahaayeen dad argigixiso ah iyagoo aanan soo gudbin wax caddeymo ah, waxay sidoo kale AFRICOM sheegtay in ay ka war heyso wararka sheegaya inay dad shacab ah wax ku noqdeen duqeynta dib u eegisna ku sameyn doonto macluumaadka ku saabsan weerarka.

Bishii May wariye warbixin ku soo daabacay Wargeyska Foreign Policyayaa AFRICOM siiyay caddeymo tibaaxaya in Ibraahim Muxamad Xiireey uu ahaa qof shacab ah, wuxuuna siiyay xiriirka ehelada qofkaas la dilay balse illaa hadda AFRICOM lama xiriirin wax dan ah kama galin dadkaasi.

Sidaas oo kale Amnesty Internatonal ayaa sheegtay in ay military-ga Mareykanka la wadaagtay xog dheraad ah oo ku saabsan kiiskan bishii August ee lasoo dhaafay laakiin AFRICOM waxay ku gacan sayrtay in ay ka noqoto wixii ay ku doodeysay ee ahaa in ay saddexdaas nin yihiin dad argigixiso ah waxayna yiraahdeen “Duqeyntan waxaa lagu beegsaday xubno Al-Shabaab ah si macnawiyaatka looga jabiyo inta lagu gudajiro howlgalka ciidamad Soomaalidu wadaan, si gaar ahna macluumaadka la soo uruuriyey ka hor iyo ka dib duqeyntaba waxay tilmaamayaan in dhamaan xubnaha lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka inay ahaayeen Al-Shabaab ama xiriir la lahaayeen ururka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in AFRICOM aysan soo gudbin caddeymo xaqiijinaya waxay ku doodayaan ama tilmaamaya in ay baaritaan dheeraad ah sameyn doonaan balse Amnesty International ayaa wareystay ugu yaraan 11 ruux oo ay si fool ka fool ah iyo telephone intaba kula hadashay kuwaas oo ay wax ka weydiisay weerarkii 18-kii Maarso, waxaana dadka ay soo wareystay ka mid ah xubno ka mid ahaa qoysaska ay ka tageen ragga la laayay, kuwa booqday goobta ay duqeyntu ka dhacday, iyo shaqaale ka tirsan shirkada Hormuud oo mid ka mid ah nimanka la dilay uu ka shaqeynayey.

Hay’adan ayaa sidoo kale sheegtay in ay qiimeyn ku sameysay wararka ay warbaahinadu ka qoreen duqeyntan, war saxaafadeedyada ka soo baxay dowlada Mareykanka, taargada gaariga, aqoonsiyada rasmiga ah, warqadaha caafimaadka iyo muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday goobta oo cadeynaya waxyeelada soo gaartay dhibanayaasha.

Dhammaan dadkii aan la hadalnay waxay noo sheegeen in ay ka dhaadhici weysay in mid ka mid ah raggaas uu ahaa Al-Shabaab, sidoo kale Xarakada Al-Shabaab ehelada dadka la laayey kama hor istaagin inay soo uruuriyaan hilbaha meydadka ayna aastaan, laakiin marka ciidankooda la beegsado ma ogola in ay dad shacab ah usoo dhawaadaan goobta ay duqeyntu ka dhacday, taas oo ay hay’addu ku tilmaantay caddeyn kale oo muujinaysa in dadka la beegsaday ay yihiin dad rayid ah oo aan hubeysneyn.

Amnesty waxay sheegtay inay diiwaan gelisay ugu yaraan lix weerar oo la aaminsanyahay in ay ciidamada Mareykanka ku beegsadeen dad shacab ah, ayna ku dileen ugu yaraan 17 ruux kuna dhaawaceen 8 kale.

Duqeyntii Cabdow Dibile waxay ka mid ahayd in ka badan 50 duqeyn oo sanadkan gudahiisa ay Mareyakanku ka fuliyeen Soomaaliya kuwaas oo badankood ay ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan, laguna xasuuqay dad maato ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this