Deeq A. Posted October 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay oo Talaado ahayd (1 Oktoobar) kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Soomaaliya. Diblomaasiyiin Soomaali iyo Australia ayaa goob joog ka ahaa madasha guddoomidda. Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites