Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi ka socda Puntland oo loogu hanjabay in xoog looga saari doono degmada Buuhoodle haddii aysan ka bixin

Recommended Posts

Deeq A.   
WASIIR-FAARAX-1-740x460.jpg?resize=740%2Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Jaamac Faarax

Hoggaanka dhaqanka degmada Buuhoodle iyo mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa ka soo horjeestay wefdi ka tirsan xukuumadda Puntland oo maalmo ka hor halkaasi gaaray si ay gole degaan ugu dhisaan degmadaasi Buuhoodle.

Cuqaasha iyo waxgaradka oo ay weheliyaan xubno mas’uuliyiin ka ah maamulka Khaatumo waxay sheegeen in Buuhoodle uu ka dhisanyahay gole degaan oo loo dhanyahay kaasi oo ay hirgelisay Khaatumo sidaasi darteedna ay sharci-darro tahay in nidaam iyo maamul dhisan mid kale laga dul-dhiso.

Sidoo kale waxay wefdiga Puntland ku eedeeyeen in ay kala qeybin iyo isku dir ka wadaan degaanka waxaana ay ka dalbadeen in ay isaga baxaan gudaha Buuhoodle haddii kalena xoog looga saari doono.

Wefdiga Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha jaamac Faarax Muuse ayaa Sabtidii todobaadkan waxay socdaal ku tageen degmada Buuhoodle halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin si ay u dhisaan gole degaan oo Puntland ay sheegtay in ay ka hirgelinayso Buuhoodle.

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha jaamac Faarax Muuse oo saaka warbaahinta Puntland Post la xiriirtay si aan wax uga weydiino cabashada laga muujiyay wefdigiisa ayaan ka jawaabin taleefonka.

PUNTLAND POST

The post Wefdi ka socda Puntland oo loogu hanjabay in xoog looga saari doono degmada Buuhoodle haddii aysan ka bixin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this