Sign in to follow this  
Deeq A.

 Howlgallo ballaaran oo laga sameeyey M/ Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si wadajir ah howgallo uga sameeyey gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 20-tan ruux oo lagu tuhmayo falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca magaaladaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa sidoo kale sheegay inay baaritanadooda sii wadi doonaan inta laga xaqiijinayo amniga magaalada xeebta ku taalla ee Marka.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this