Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqtaar Cali Afgooye Oo Ku Biiray Kooxda Al Nasar

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda haysta koobka dalka Sacuudiga ee Al Nasar ayaa dhamaadka bisha August 2019 lasoo saxiixatay Muqtaar Cali Sheekh Cabdullahi (Muqtaar Afhooye),isagoo u saxiixay qandaraas uu kula joogayo mudo saddex sano ah xidigan ayaa kusoo baxay naadiga Chelsea,isagoo kula guulaystay koobab badan.

FB_IMG_1567743644741.jpgCali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ah aabaha dhalay ciyaaryahan Muqtar ayaa sheegay in ay qoys ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin heshiiska uu wiilkooda ugu biiray kooxda Al Nasar oo ah naadiga difaacanaysa horyaalka wadanka Sacuudiga wuxuuna intaa ku daray in ay garb taaganyihiin wiilkooda.

58629806_2308510956142207_73749873859074

“Waan ku faraxsanahay kusoo biiritaanka kooxda Al Nasar waxaa la ii soo dhaweeyay si wanaagsan waxayna ka qeyb qaadanaysaa horomarka waxaan jeclahay inta aan la joogo in aan kula guulaysto koobab badan ” ayuu laacib Muqtaar Cali Afgooye saxaaafada u sheegay markii uu ku biiray kooxda reer Sacuudi.

Ali_VTV.jpg

2016 ilaa 2018 Ciyaaryahan Muqtaar Cali waxa uu ka tirsanaa naadiga Vitesse ee wadanka Holland,Muqtaar inta uu joogay Holland waxa uu kooxdiisa u dhaliyay goolal badan,isagoo mudo dheer ka dib kula guulaystay koobk qadiimi ka ah wadanka Holland

D_8fbUhXsAAiFEs-1024x682.jpg
“Heshiiska uu Muqtaar la gaarayo Al Nasar waxa ay kor u qaadaysa horomarinta xirfadiisa ciyaareed waxaana kawada sugaynaa in uu waqti wanaagsan la qaato kooxdiisa cusub” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cali Sheekh Cabdullahi oo ah aabaha dhalay xirfadyahan Muqtaar Afgooye.

18485857_1367432969972368_28419843169692

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Ciyaaryahan Muqtaar Iyo Ku Biiritaankiisa Kooxda Al Nasar

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this