Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo diiday natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
71254524_2420472951341555_65939609877227Wasiirka maaliyadda Jubbaland

Wasiirka maaliyadda ee Jubbaland, C/rashiid Jire Qalinle, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya inay isku dayday in khilaaf ay ka dhex abuurto Jubbaland dhexdeeda, isagoo tilmaamay in isaga lagu marti qaaday shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay hannaanka shirkaas loogu martiqaaday Jubbaland in uu yahay mid qaldan, isagoo caddeeyay casuumaada Jubbaland in aanan lasoo marsiin xafiiska madaxweynaha Jubbaland.

“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”

Jubbaland waxay diiday natiijo kasta oo kasoo baxda shirkaas, maadaama ay ku tilmaamtay shir aan loo dhameyn oo ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyadii ugu muhiimsanaa, talada dalkana wax ku lahaa.

Puntland Post

.

The post Jubbaland oo diiday natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this