Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo kulan la qaatay warbaahinta madaxa bannaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland “TPEC” ee dhawaan la magacaabay, ayaa maanta markii ugu horey kulan balaaran la qaatay maamulayaasha warbaahinta Puntland iyo ururka MAP.

Kulankaan oo ka dhacday xarunta TPEC, ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha iyo xeerarka miiska u saaran guddiga iyo ahmiyada ay leedahay in warbaahintu kaalin mug leh ka qaadato dardar galinta nidaamka dimuqraadiyada ee lagu taamayo dhawaan.

Kulankan inta uu socday, ayaa la iska xog wareystay caqabadihii ka hor yimid nidaamka axsaabta badan, fursadaha haatan la haysto iyo in dib loo eego xeerka hab dhaqanka saxaafada ee arrimaha doorashooyinka oo uu guddigan isticmaali doono.

TPEC ayaa hoosta ka xariiqday saxaafada la’aanteed aanay u suur toobayn himilada ay hiigsanayaan, oo ah in laga dhabeeyo sidii looga bixi lahaa in shacabku uusan go’aan ku lahayn masiirka dalkooda.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Guuled Saalax Barre, ayaa sheegay in saxaafada Puntland uga baahan yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi galinta bulshada iyo xog gudbinta ku saabsan nidaamka dimuqraadiyada.

Guuleed ayaa sheegay in guddigoodu haatan ku mashquulsan yahay fulinta xeerarka doorashooyinka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow Puntland looga dareeri doono doorashooyinka golayaasha degaanka.

Warbaahinta Puntland Post oo kamid ahayd xarumihii warbaahinayd ee kulanka loogu yeeray, ayaa goobta ka balanqaaday in ay guddiga la shaqayndoonto, si Puntland loo saaro nidaamka ragaadiyay ee qabaliga.

1.jpg?w=1000&ssl=1 4.jpg?w=1000&ssl=1 7.jpg?w=1000&ssl=1 6.jpg?w=1000&ssl=1 5.jpg?w=1000&ssl=1 9.jpg?w=1000&ssl=1 8.jpg?w=1000&ssl=1 69786171_2475884629175275_71685799979201

Puntland Post

The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo kulan la qaatay warbaahinta madaxa bannaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this