Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqaalaha rayidka ah ee DF oo dhamaantood dib loo diiwaan gelinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa billaabay in ay dib u eegis ku sameeyaan shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa gobalka Banaadir.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa amaanka ay isku raaceen in dib loo eego feelasha iyo qaabka ay ku soo shaqa galeen in ka badan 8,000 oo qof, kuwaas oo isugu jira shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha ugu wayn ee dib u eegista lagu sameyn doono ayaa waxaa kamid ah damaanada, hadii ay jiraan shaqooyin kale oo ay qabtaan shaqaalaha iyo shaqooyinkii hore ka hor inta aysan dowladda ku soo biirin.

Arrintaan ayaa bilooyin ka hor waxaa bilaabay hay’adaha amaanka, balse waxaa la sheegay in hada mar kale la qorsheeyay in la sii wado shaqada baarista iyo hubinta shaqaalaha dowladda.

In dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha dowladda oo dhan waxaa sabab u ah weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen aqalka dowladda hoose oo saameen weyn dalka ku yeeshay. Weerarkaasi ayaa waxaa fuliyey gabar ka mid ah shaqaalaha dowladda.

Qorshaha ayaa ah in la nadiifiyo shaqaalaha dowladda, lagana saaro dhammaan dadka la tuhmayo ama uu soo galo xiriir Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this