Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidanka Danab oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii maanta lagu qaaday Balidoogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Geeniqaar, ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii kooxda Alshabaab saakay waaberigii ku qaadeen saldhiga Balidoogle halkaas oo ay degen yihiin ciidamada milatariga iyo ciidamada Africom.

Taliyaha ayaa sheegay weeraekaan inay ciidamadu ka hor tageen islamarkaasna uusan wax khasaare ah kasoo gaarin xagooda. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay dileen dhamaan raggii weerarka soo qaaday.

Afar gaadhi oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayuu sheegay taliyuhu in loo adeegsaday weerarka, basle wuxuu tilmaamay in kuligood lagu gubay iyagoo aan soo gaarin bartilmaameedkooda.

Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa lagu arkayay sawirrada maydadka dagaalamayaasha Alshabab iyo hubkoodii.

Halkaan ka daawo muuqaalka taliyaha.

Puntland Post

The post Taliyaha ciidanka Danab oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii maanta lagu qaaday Balidoogle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this