Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee lagu sii daayey CIISE TARABUUN ugana dhoofay garoonka Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay shaacisay in dalkeeda uu 24-kii bishan soo galay Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay horey u sheegtay inuu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Warka Kenya ayaa la-yaab noqday sababtoo ah Ciise Tarabuun waxaa lagu ogaa gacanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale uu 19-kii June shaaca ka qaaday in Ciise Tarabuun laga soo qabtay suuqa Bakaaraha, uuna gacanta ugu jiro dowladda Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciise Tarabuun uu garoonka diyaaradha Muqdisho ka dhoofay 24-kii bishan oo ahayd talaadadii, weliba ayada oo dowladda Soomaaliya ay ogtahay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Ciise Tarabuun ay dowladda sii daysay kadib markii sida lagu waayey wax caddeymo ah oo la xiriirinayey inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan dowladda oo la hadlay Caasimada Online, markii Ciise Tarabuun lagu waayey Shabaabnimo ayaa waxaa xabsi laba sano ah loogu xukumay inuu mar xubin ka ahaa kooxdii Xisbul Islaam ee burburtay, xabsigaasi oo uu Ciise dhameystay kadibna la sii daayey.

Ka hor inta uusan Muqdisho ka dhoofin talaadadii, ayaa Ciise Tarabuun waxa ay ehelkiisa ay hay’adaha cadaaladda u geeyeen ticket-ka uu ku baxayay, baasaboorkiisa iyo xog la xiriirta halka uu u socdo iyo sababta, taasna markii ay ku qanceen waxa hay’adaha cadaaladdu u fasaxeen inuu safri karo.

Markii uu garoonka Muqdisho ka dhoofayey talaadaddii, ayaa waxaa halkaas ku qabtay saraakiisha nabad-sugidda Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu tusay warqaddii ay hay’adaha cadaaladda ku fasaxeen, taasi oo laga aqbalay looguna ogolaaday inuu dhoofo.

Xubno ka mid ah ehelkiisa ayaa sheegay in Ciise dalka ka dhoofiyeen, si aan loogu arkin inuu khatar ku yahay amniga, maadaama dhowr mar la xiray. Ciise ayaa la sheegay in sidan oo kale mar ay xirtay dowladda kadibna lasii daayey.

Si kastaba, sii deynta Ciise ayaa abuureyso su’aal yaab leh oo ah “Sidee nin dowladda ay ku sheegtay in darajadiisu ahayd madaxa sirdoonka Al-Shabaab ee Muqdisho, loogu weyn karaa xitaa inuu xubin ka ahaa kooxdaas? Sidee sirdoon sidan u qaldan isugu haleyn kartaa dowladda, waa su’aalo jawaabtooda laga sugayo dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this