Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ku dhawaaqaya heshiis nabadeed uu la galay Taliban.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa ku dhow inuu ku dhawaaqo heshiis nabadeed oo uu la galey kooxda Taliban oo doonaysa inay ciidamada Maraykanku ka baxaan dalka Afgaanistaan.

Haddii heshiishkaan lagu guulaysto, Taliban ayaa laga saaridoonaa liiska kooxaha argigixisada ee ku jira diiwaanka wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka. Arrintaan waxay ahayd wada xaajood soo socday todobadii sano ee ugu dambeysay, waxayna ahaandoontaa arrin soo jiidata dareenka warbaahinta caalamka.

Mareykanku ayaa waqti hore ogaaday in dagaalka Afghanistan uusan ahayn mid militari ahaan lagu guuleysan karo, Iskaba daaye wuxuu sii abuuray Argigixiso hor leh.

Tan ugu muhiimsan ayaa ah, in kooxda Taliban aya si isdaba joog ah u ballaarinasay awooodeeda dhuleed, iyaga oo ka taliya dhul badan marka loo eego bilowgii dagaalkii Maraykanka ee fgaanistaan sanadkii 2001.

Dagaalka Maraykanka ee Taliban waxaa kaga dhintay 4,000 askari iyo kun kale oo ahaa xulafadiisa.

Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka, Mike Pompeo ayaa waji wanaagsan ka bixiyay heshiiska Taliban. Wareysi uu siiyay Daily Signal wuxuu ku cadeeyay in howsha la qabtay: “Hadaad dib u noqotid oo aad fiiriso maalmihii 9/11, ujeeddooyinka laga lahaa way iska caddayd,” ayuu yidhi.

Puntland Post

The post Maraykanka oo ku dhawaaqaya heshiis nabadeed uu la galay Taliban. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this