Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno isugu jira saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in duqeyntaasi ay la beegsadeen xarun ay isku uruursanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, si ay u qaadaan weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay ku dhowaad 20-tan ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid yahay Xasan Abshir Jibriil oo ahaa hoggaamiye ku xigeenka qeybta Jabhadda loo yaqaano ee ka tirsan Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe  ciidamada dowladdiyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada ka socda G/Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this