Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Baaritaan xooggan oo ku socda shaqaalaha DF iyo kuwa gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in si hoose uu baartiaan saf mar ah ugu socdo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kan maamulka gobolka Banaadir.

Shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamulka gobolka oo la tuhunsanyahay in ay ku dhex jiraan kuwo si hoose ula shageeya Al-Shabaab ayaa waax waax loo baaraa, iyadoo baaritaan dheer kadib loo diro xildhibaankooda, si uu u damiinto asagana loogu raacdo waxii dhib ah oo uu gaysto shakhsiga shaqaalaha ah.

Waxaa jira warar sheegaya in shaqaalaha dowladda laga dhex helay kuwo la shaqeeya ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jiera dowladda, wiil ka tirsanaa shaqaalaha dowladda gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa muddo sanad ah u xiran hay’adaha amniga dowladda, kaas oo laga dhex qabtay wasaaradda oo uu ka shaqeynayay qeybta ID CARADA.

Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waax waax loo gaynayay godka Jilicow, waxaana qof qof loola yeelanayay wareysiyo dhaa-dheer, iyadoo la sheegay in ay jiraan qaar looga shakiyay in ay si hoose ula shaqeeyaan Al-Shabaab.

Waaxyaha ay kala hoostagaan shaqaalaha gobolka ayaa si guud loogu amray in waax kasta ay soo gudbiso liiska shaqaalaheeda, iyadoo la faray in ay fiiro gaar ah u yeeshaan shaqaalaha iska maqan ama qaata fasaxyada dhaa-dheer.

Qaar ka mid ah shaqaalaha gobolka, ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qabaan baqdin xoogan, maadaama ay tuhunsanyihiin in baaritaan kusoo wajahanyahay xataa iyagoo sheegaya in aysan wax isku ogayn.

Tuhunkaan sababay in baaritaan lagu bilaabo shaqaalaha dowladda ayaa soo bilaawday wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka, kaas oo lagu dilay todoba ka mid ah mas’uuliyiintii maamulka gobolka oo uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Yariisow.

Qaraxaas oo la sheegay in ay fulisay gabar in dhool ah oo ka mid ahayd shaqaalaha gobolka Banaadir, taas oo lagu magacaabi jiray Basiiro Cabdi Maxamed.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this