Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan magaaladda Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Caabudwaaq ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Xiisadda ayaa salka ku haysa dil ka dhacay Bali Cad, oo ah degaan u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Xaaladda kacsanaanta ah ayaa ka dambeysay markii Bali Cad lagu khaarijiyey labadda ruux oo la sheegay in ay xoolo dhaqato yihiin.

Labadda qof ee la dilay ayaa lagu waramayaa in ay degaan ahaan kasoo jeedaan magaaladda Bil Cad.

Gacan ku dhiigleyaasha oo kadib baxsaday ayaa la tilmaamayaa in u ruqaan-sadeen dhanka Caabudwaaq

Dadka degaanka ayaa sheegaya in beesha ay kasoo jeedaan shaqsiyaadka la dilay wadaan olale ay ku sameynayaan aargoosi.

Sikastaba ha ahataee, gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu badan arrimaha la xiriira dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil iyo colaad beeleedyada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this