Deeq A. Posted September 27, 2019 Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Caabudwaaq ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xaalad kacsanaan ah. Xiisadda ayaa salka ku haysa dil ka dhacay Bali Cad, oo ah degaan u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq. Xaaladda kacsanaanta ah ayaa ka dambeysay markii Bali Cad lagu khaarijiyey labadda ruux oo la sheegay in ay xoolo dhaqato yihiin. Labadda qof ee la dilay ayaa lagu waramayaa in ay degaan ahaan kasoo jeedaan magaaladda Bil Cad. Gacan ku dhiigleyaasha oo kadib baxsaday ayaa la tilmaamayaa in u ruqaan-sadeen dhanka Caabudwaaq Dadka degaanka ayaa sheegaya in beesha ay kasoo jeedaan shaqsiyaadka la dilay wadaan olale ay ku sameynayaan aargoosi. Sikastaba ha ahataee, gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu badan arrimaha la xiriira dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil iyo colaad beeleedyada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites