Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Halis amni oo cusub oo Muqdisho ku soo wajahan 

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Khuburada amniga iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Soonaaliya ayaa muujiyay walaac sii xoogeysanaya oo ay ka qabaan weeraro ay Al-Shabaab ku soo qaadaan magaalada Muqdisho, iyagoo adeegsanaya gaadiidka dowladda.

Khuburadaan dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in ay heleen xogo ku saabsan in Al-Shabaab ay doonayaan in ay weeraro u adeegsadaan gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen ciidan ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa gaadiid dagaal oo gaaraya 8 gaari, kuwaas oo ka tirsan gaadiidkii ugu dambeeyay ee ciidanka Soomaaliya ku qabsaday weerar ay ka fuliyeen degaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose.

Gaadiidka ay qabsadeen Al-Shabaab oo aysan ka xirneen Muqdisho, ayaa si fudud waxay u soo geli karaan Muqdisho, hadii aysan dowladda ka feejignaanin qatarta ka imaan karta gaadiidkaasi.

Guud ahaan magaalada Muqdisho waxaa ka jira hadal heyn xoog leh oo ku aadan halis ka imaan karta gaadiidkii ay Al-Shabaab ku qabsadeen degaanka Ceel-saliini oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.

Dowladda ayaa hadda wadda qorshe lagu aqoonsanayo baabuurtaas, laguna xaqiijinaya inaysan soo gelin Mqudisho, balse ma cadda sida taas loogu guuleysan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this