Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraalka Wada-Sheekeysigii Xasaasiga Ahaa Ee Dhex-maray Donald Trump Iyo Zelensky Oo La Baahiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New York)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa maanta baahiyey qoraalka wada sheekeysi taleefon oo dhex-maray madaxweynah Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, 25-kii July.

3722EDDE-74B2-49C0-950F-7936FC09C562_w10

Qoraalka ayaa xaqiijiyey in Trump uu Zelensky weydiistay inuu baadho mucaaradkiisa siyaasadeed, Joe Biden.

Go’aanka shalay lagu sii daayey qoraalka ayaa yimid maalin kadib markii dimoqraadiga ay ka faa’iideysteen eedeymahan xasaasiga ah, si ay u billaabaan baadhis rasmi ah oo hoggaamin karta in Trump xilka laga xayuuibiyo.

“Waxaa jira warar badan oo ku saabsan wiilka Biden, oo ah in Biden uu joojiyey in dacwad lagu soo oogo, waxaana dad badan ay doonayaan inay ogaadaan arrintaas, sidaas darteed wax kasta oo aad la qaban karto xeer-ilaaliyaha qaranka, way wanaagsan lahayd” ayuu Trump ku yidhi Volodymyr Zelensky.

Intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Obama, ayaa Biden iyo hoggaamiyayaasha kale ee Reer Galbeedka, waxay Ukraine ku cadaadiyeen inay caydhiso dacwad-oogaha sare ee dalkaas, Viktor Shokin, sababta oo ah waxaa loo arkay nin aan ku adkeyn la-dagaalanka musuq-maasuqa.

“Biden wuxuu ku faanayey inuu joojiyey dacwad soo oogista, sidaas darteed haddii aad bal eegi karto, waxay iila muuqataa arrin aad u xun” ayuu yidhi Trump.

Dokumenti ka kooban shan bog — oo ah nuxurka guud ee wicitaanka, balse aan ahayn wada-hadalkii oo dhan oo eray-ka-eray ah – ayaa la baahiyey xilli Trump uu iska diyaarinayo inuu Zelensky kula doc kulmo Kulanka Guud ee QM ee New York.

Dimoqraadiga, oo si rasmi ah u billaabay hannaan dalab xil ka-xayuubin, ayaa baaraya in Trump uu dowlad shisheeye ku cadaadiyey inay baarto ninka la loolamaya, iyo in 400 oo dollar oo ah taageero Mareykanka uu siiyo Ukraine uu arrintaas uga faa’iideysatay. Nuxurka wada-hadalka ee la baahiyey meelna ugama xusna lacagtaas.

Wada sheekeysigan taleefon ee dhacay 25-kii July ayaa ka mid ahaa qoraal cabasho ah oo uu diyaariyey qof dareemay fal sharci-darro ah. Qoraalkaas ayaan weli loo ogolaan inay arkaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa horey u xannibay inuu qoraalkan u gudbiyo guddiga sirdoonka ee Congress-ka, sida sharciga uu qabo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this