Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahino kasoo baxay dagaal ka dhacay J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubadda Hoose.

Dagaalka oo uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah isla markaana yimid markii ay AlShabaaku weerar soo qaadeen ayaa waxaa dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

AlShabaab ayaa sheegatay in ay dishay saddex kamid ah ciidanka Jubbaland ayna ku furatay qoryo PKM ah iyo AK 47.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka saraakiisha amniga Jubbaland.

Ciidamada dowlad goboleedkaas ayaa mudooyinkii dambe waxay degaanada ka tirsan gobolka Jubadda Hoose kawadeen guluf ka dhan ah AlShabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this