Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Xasaasiya: Imaaraadka Carabta oo la wareegay Madaarka Boosaaso iyo hogaanka Hayada Sirdoonka Puntland 

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog Xasaasiya: Imaaraadka Carabta oo la wareegay Madaarka Boosaaso iyo hogaanka Hayada Sirdoonka Puntland

 dp.jpg

Khilaafkii u dhexeeyay imaaraadka Carabta iyo Puntland ayaa u muuqda mid la xaliyay kadib markii Puntland ay ogolaatay inay fuliso dalabyo ay wadatay Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadku ay ballan-qaadeen mashaariic dhowr ah.

Waxyaabaha Imaaaraadka Carabta ku guuleysteen waxaa ka mid ah in sarkaal ay aad isugu dhow yihiin loo magacaabo Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA. Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Jeyte, waana xubin firfricoon oo aad ugu dhow sirdoonka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Dikreeko ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Mukhtaar Jeyte loogu magacaabay agaasimaha nabad sugida 20-kii bishan taas oo kalsooni gelisay Imaaraadka.

Puntland ayaa sidoo kale ogolaatay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo maamulkiisa iyo amaankiisa shirkad ay mas’uul ka yihiin Imaaraadka Carabta, ayada oo Imaaraadkuna ay maal-gelinayaan mashruuc lagu ballaadhinayo garoonkaas.

Magaalada Boosaaso, waxaa ku sugnaa labadii Berri ee u dambeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo daba joogay fulinta dhammaan qodobada ay daneynayaan.

Xubno ka soo jeeda qoyska Madaxweyne Deni oo lagu kala magacaabo Xasan Deni, Mahad Deni iyo Cabdi Rabi ayaa si weyn gadaal uga riixaya fullinta qorshaha Imaaraadka Carabtu ka leedahay Puntland.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this