Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Shuute oo qarax lagula eegtay Kaxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta lala eegtay kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute, kaas oo ka dhacay degmada Kaxmda ee G/ Banaadir.

Qaraxa oo ka dhashay miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay waaxda afaraad ee degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta galbineysa guddoomiyaha, inkastoo isagu ka badbaaday qaraxaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana ciidamadu ay baaritaano kooban ka sameeyeen meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka mid kale askar ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this