Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muxuu Dalku hagaaga Kuweeni Ciroobay Ayay Qayaaladu Caam Yeeshay…” Muniir Axmed Cigaal.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Awoow ayaan u ahay ku fogaan maayo, waa Xildhibaan Rer Burco iyo Saaxil ba ah, intii Alle hawnaxariiste Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal tallada hayay Muxaafid yaab leh ayuu aha, maalintii uu dhintay ayuu ASAD galay, sidii ayuu Mucaarid u aha, hadana 7-dii sanno ee Siilaanyo Sallacalle wuxuu dhigay waa la ogaa, ilaa uu yidhi Berbera rerbaa ku soo duulay oo Carab Cigaal sidata inoo keenay. Maalintii Muuse Biixi murashaxnimaduusu u cadaatay ayuu wacadkii Xirsi Cismaan iyo Xulafadii soo jireenka ahayd ka qabyaaladeeyay oo uu docdaas u baydhay.

received_2422781334482165.jpeg

Maanta wuxuu yidhaahda “Dawladda Habar-Awal anoo ku hadlaaya afkeeda”. Marka Xildhibaan Qaran leeyahay Dawlad rer Hebel garan maayo dhagaagalaha suuqa jooga isna wuxuu odhanaayo. Kali kuma aha raggii ragga aha ee Maxamed Xaashi Cilmi, Boobe Yuusuf Ducaale, Muj: Ibraahim Xuseen Dhagawayne, Cali Guray, Siciid Cartan, raggba mee lama hayo oo sida Xildhibaan Sallacalle ayay leeyihiin Tubtii cadayd toobiyaha saarnay…. Marka hormuudka Dadku qabyaalada u nuglaado ummadda inta kalena way qudhanta oo caabuqu hoosbu u dhaadhaca, waa halkaynu maanta marayno. Haddana sidii Maxamed Siyaad Barre ayaynu leenahay “Qabyaaladu waa xumaane aynu iska dayno oo aasno gabigeedaba kafan cad intaynu u xidhno”. Maxaynu daynaa Ciroolayaashi ummadda ayay caam yeeshay maxay marka caamadu falaysa. Wixii laga sugaaba waa inay sida basasha dhilanto.

Xildhibaan Siciid iyo inta kale ee u qabta in Dawladdnimadu rer tahay, dariiq qodxan leh ayay jibaxayaane Alle jidka bilaa xaska ah haku soo dabaalo. Waxa iyana yaab leh arrinka sidaa ah marku qofku caadi u arko ee waliba Dadka kale la yaabo isagoo aan tiisa arkayn. Arrintaasi waa maah maahdi ahayd “Tuugu intaan Tuug la odhan ayuu kaga horeeya”..

Alle ha sahlo.

Tusan ..

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this