Deeq A. Posted September 25, 2019 20 Jirada Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ku leh garoonka Njeru ee wadanka Uganda. Soomaaliya kulankii furitaanka ciyaaraha 20 jirada Barig iyo Bartamaha Afrika 2019 waxa ay guul daro 2-1 kasoo gaartay xulka Burundi waxaana goolka xulka u dhaliyay kulankaa daafaca naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club Axmed Cabdullahi Cabdi (Baanuu Yare). Koonfurta Sudan iyagana kulankoodii kowaad waxa ay barbaro 3-3 la galeyn dhigooda Burundi waxayna saddexda xul kuwada jiraan Group C,iyadoo ciyaaryahada xulka kaliya laga rabo in ay guul ka gaaraan dhigooda South Sudan,si ay ugu soo gudbaan wareega xiga ee Cecafa Under 20. Ogeysiiska Kulanka Tartanka- CECAFAUnder 20 Dalalka-South Sudan VS Somalia Tariikhda-25-09- 2019 Maalinta- Arbaco Sacaada Kulanka-4:00pm Cimilada Xiliga Ciyaarta:-25/29°C Garoonka-Njeru Stadium Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites