Sign in to follow this  
Deeq A.

Ogow Xogta Kulanka Soomaaliya & Koonfurta 

Recommended Posts

Deeq A.   

20 Jirada Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ku leh garoonka Njeru ee wadanka Uganda.

south-sudan-somalia-two-flags-260nw-1403
Soomaaliya kulankii furitaanka ciyaaraha 20 jirada Barig iyo Bartamaha Afrika 2019 waxa ay guul daro 2-1 kasoo gaartay xulka Burundi waxaana goolka xulka u dhaliyay kulankaa daafaca naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club Axmed Cabdullahi Cabdi (Baanuu Yare).

EFJ2_FyW4AE-Nyf-1024x683.jpg
Koonfurta Sudan iyagana kulankoodii kowaad waxa ay barbaro 3-3 la galeyn dhigooda Burundi waxayna saddexda xul kuwada jiraan Group C,iyadoo ciyaaryahada xulka kaliya laga rabo in ay guul ka gaaraan dhigooda South Sudan,si ay ugu soo gudbaan wareega xiga ee Cecafa Under 20.

South-Sudan-vs-Burundi.jpgOgeysiiska Kulanka
Tartanka- CECAFAUnder 20
Dalalka-South Sudan VS Somalia
Tariikhda-25-09- 2019
Maalinta- Arbaco
Sacaada Kulanka-4:00pm
Cimilada Xiliga Ciyaarta:-25/29°C
Garoonka-Njeru Stadium

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this