Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo sabab yaab leh u xiray ninkii fuliyey qaraxii Shalaanbood lagula eegtay maamulka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xiray nin beeraleey ah oo katirsan kooxdaas oo todobaadkii hore mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeellaha Hoose iyo kuwa degmooyinka Qoryooleey iyo Marka ku qarxiyay deegaanka Shalaanbood.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay ninkaan xireen kadib markii uu soo wacay amiirkiisa kadibna uu ku war geliyay in uu qarxiyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sii socday degmamada Qoryoole kadib markii ay ka yimaadeen soo dhoweyntii Kheyre ee magaalada Marka. 

Sababta loo xiray ayaa lagu sheegay laba arin oo kala ah:-

  1. In uusan amiirkiisa ku wargelin Qaraxa ka hor inta uusan fulin 
  2. Iyo in uu baajiyay weerar jid gal ah oo Al-Shabaab la damacsanaayeen masuuliyiintaan, sababtoo ah tobaneeyo ciidan ah oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa wafdigaan loogu diyaariyay degaan keyn ah oo u dhow halka lagu qarxiyay waxayna taasi sababtay in ay wafdigii ku laabtaan Marka. 

Sababta uu qaraxaasi u fuliyay una baajiyay qorshihii lagu layn rabay wafdigaan ayaa ah ujeedka ugu wayn ee loo xiray, qof katirsan mas’uuliyiinta la wareeray ayaa Caasimad Online u sheegay. 

“Alle ayaa na badbaadiyay, waxay rabeen in ay nagu galaan dhul keyn ah oo ay ku diyaariyeen ciidan badan, qaraxii dhacay ninkii ka dambeeyayna waa xireen oo qorshahooda fashilay, Alxmdlh, Alxmdlh Alxmdlh” ayuu yiri masuul katirsan xubnihii la wareeray.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo askar ah waxaana ku dhaawacmay masuuliyiin heer degmo ah iyo Ciidan kale oo saarnaa gaarigii la qarxiyay. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo dhacay todobaadkii hore. 

Caasimada Online
Xafiiska Marka
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this