Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Ka Tirsanaa Ciidammada Somaliland Oo Hore U Dilay Askari Kale Oo Maanta Lagu Fuliyey Dil Qisaas Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Bali-harac)-Nin askari ah oo hore loogu eedeeyey inuu geystay dilka askari kale badhtamihii bishan, ayaa maanta lagu dilay gobolka Sool.

large-1.jpeg

Go’aanka lagu fuliyey qisaasta ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhinacyada ay khusayso, ee ay kasoo kala jeedaan labada askari.

Askariga la qisaasay oo la odhan jiray Maxamuud Iidle Aadan ayaa lagu eedeeyey inuu 16-kii bishan uu Laascaanood dhexdeeda ku dilay askari ay ka wada tirsanaayeen ciidanka asuubta Somaliland, islamarkaana uu dhaawacay qof shacab ah.

Qisaasta maanta ayaa ka dhacday deegaanka Bali-harac ee gobolka sool ,waxaana goob joog ka ahaa cuqaal, culumo iyo waxgarad kale.

Maamulka gobolka Sool ayaan weli ka hadlin askarigan loo qisaasay askariga kale, ee ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ee ay ku heshiiyeen beelahoodu, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this