Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Howlgallada oo ahaa kuwa dhan ah Al-Shabaab ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen dhanka buuraha Calmadow ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tiran kuwa Puntland ayaa sheegay in howlgalladaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab , kadib iska hor imaad ay la galeen.

Ma shaacin saraakiishu tirada dagaalyahannada ay dileen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gacnsiga Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this